Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo soo dhaweysay shirka uu iclaamiyey madaxweynaha

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan shirka Garoowe oo uu Iclaamiyey madaxweynaha Soomaaliya.

Jubbaland ayaa shaacisay inay soo dhoweyneyso qabashada shirkaasi oo diiradda lagu saarayo xaaladda dalka iyo doorashooyinka 2021-ka.

“Jubbaland waxay soo dhaweynaysaa kana qeybgaleysaa shirka watashiga arrimaha doorashooyinka ee 15 Febraayo,” ayuu lagu yiri qooraalka.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa intaasu kusii daraya “Jubbaland waxay ku talineysaa in Shirkaasi uu ka dhaco magaalo madaxda dalka ee Muqdisho si ay uga soo qeybgalaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliyeed natiijo wadar ogol ahna uga soo baxdo,”.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa weli ah mid cakiran, waxaana dooda ugu adag ay ka taagan tahay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this