Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: Nuxurka khudbadda RW Rooble ee kulanka BF + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa khudbaddii maanta u jeediyay xildhibaanada golaha shacabka waxaa uu uga hadlay arrimo muhiim ah, waxaana kamid ahaa, sugidda amniga gaar ahaan xilliga doorashada, horumarinta caddaaladda, dhab u heshiisiinta, la dagaalanka musuq maasuqa, kobcinta dhaqaalaha, tayeynta adeegyada bulshada, la tacaalidda musiibooyinka Rabbaaniga ah sida; cudurka COVID-19, abaaraha iyo fatahaadaha.

Waxaa uu sidoo kale, sheegay in durba markii wasiirada cusub ay xilka la wareegeen la dejiyay qorshaha 100 maalin, iyadoo waxyaabaha hor tabinta u leh xukuumadda lagu soo koobay, affar tiir oo kala ah; tiirka siyaasadda loo dhan yahay oo ay ku wadajiraan wasaaradaha howshaas quseyso.

Tiirka horumarinta dhaqaalaha waxaa ku jira wasaaradaha iyo hey’adaha wax soo saarka iyo horumarinta dhaqaalaha, tiirka amniga iyo caddaaladda waxaa ku uruursan wasaaradaha iyo hey’adaha ay quseyso arrinta amniga, kan u dambeeyay ayaa ah, tiirka horumarinta adeegyada bulshada waxaa ku ku jira wasaaaradaha iyo hey’adaha ay shaqadoodu tahay adeegyada bulshada.

Mudane Rooble, waxaa uu ka hadlay, dadaaladda xukuumadda ay ku bixisay taaba gelinta doorashooyin loo dhan yahay laguna wada qanacsan yahay, isagoo xusay in ay diyaar u yihiin qabashada doorashada iyo qancinta tabashooyinka ay qabaan dhinacyada ku lugta leh doorashada dalka.

Ra’iisul wasaaraha waxaa uu sheegay in cidna laga aqbali doonin in  amniga dalka ay Khalkhal geliso, isagoo xusay in xasiloonida ay tahay mid lagama maarmaan ah.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dowladda ku garab istaagaan sidii dalka horumarinkiisa looga shaqeyn lahaa.

Mudane Rooble, ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay horumarinta dhaqaalaha dalka, gaar ahaan kordhinta dhakhliga gudaha oo la gaarsiiyay 12.6m oo doolar in bil walka laga soo xareeyo ilaha dhaqaalaha dalka, halka markii hore la soo xareyn jirey ugu badnaan 7 ilaa 8 milyan doolar.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

148397894_1077684436077487_1782898648757 148698606_1077684349410829_7850688299443 149019620_1077687346077196_4018942499582 148184886_1077684566077474_9090831050497 149507834_4298874126817635_3224817825460148889590_1539611209571282_1835050129171 148922062_1539611112904625_5572314111457

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this