Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo sheegay in xukuumaddiisu dadaal kasta ku bixisay hirgelinta Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   
vlcsnap-2021-02-10-04h12m55s004.png?resi

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo warbixin siiyay Golaha Shacabka Baarlamanka, ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay xoogga saartay xal u helidda Khilaafka Arrimaha Doorashada.

Ra’iisul wasaare Rooble, wuxu tilmaamay in Xukuumaddiisu dadaal ay kasta ku bixisay sidii loo dhammayn lahaa muranka ku saabsan hirgelinta Doorashada, si loo qabto Doorasho ay heshiis ku wada-yihiin dhammaan dhinacyada Siyaasadda dalka.

Mr Rooble, ayaa tilmaamay in Goboleedyada qaarkood uu ku tegay Kulamo wada-tashi ah, oo ku saabsan Arrimaha Doorashada, islamarkaana uu tanaasul badan u muujiyay Madaxdii uu la kulmay, balse aan lagu guulaysan xallinta Khilaafkii jiray.

Sidoo kale, wuxu xaqiijiyay in Xukuumaddiisu ay xil iska saartay Sugidda Amniga Doorashada, iyadoo diyaarisay dhammaan Miisaaniyaddii ku bixi lahayd qabsoomidda Doorashada, kadib markii la xalliyo khilaafaadka weli ka jira hirgelinteeda.

Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa sidoo kale soo dhoweeyay Shirka ku saabsan Doorashada ee lagu baaqay 15-ka bishaan February, waxaana uu ku boorriyay dhinacyada in ay heshiis ka gaaraan murana taagan, si loo qabto doorasho loo dhanyahay.

Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo sheegay in xukuumaddiisu dadaal kasta ku bixisay hirgelinta Doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this