Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo war cusub kasoo saaray doorashada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

War kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha guddiga xiriirka arrimaha dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka Bob Menendez ayaa waxaa lagu sheegay in Washington ay weli walaac xoogan ka muujineyso xiisadda ka sii dareyso Soomaaliya ee doorashooyinka.

Bob Menendez ayaa sidoo kale bayaankiisa ku sheegay in khilaafka u dhexeeya dhinacyada isku haya doorashada uu halis gelinayo dadaalkii loo soo maray horumarada ay Soomaaliya haatan ka gaartay dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha & ammaanka.

Halkan hoose ka aqriso:-

Waxaan ka walaacsanahay xiisadda sii xoogeysaneysa ee ku saabsan doorashada Soomaaliya iyo khatarta dhabta ah ee loogu jiro in uu dhiig ku daato ismariwaaga hadda ka taagan arrimaha siyaasadda. Khilaafka jira ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo, hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada iyo mucaaradka Soomaaliya wuxuu halis galinayaa dadaalkii adkaa ee ay dadka Soomaaliyeed usoo mareen horumarka dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalaha laga gaadhay tobankii sano ee lasoo dhaafay, taasina waxay khalkhal galineysaa xasiloonida guud ee dalka.

Anigoo og in Al Shabaab ay raadin doonto fursad kasta oo ay ku abuurto qalalaase siyaasadeed si ay usii waddo ololaheeda argagixiso, Waxaan dhammaan dhinacyada ay arrinta khuseyso ugu baaqayaa inay si deg deg ah uga tanaasulaan tanahooda siyaasadeed ee gaarka ah ayna xal ka gaaraan qodobada ay wali isku khilaafsan yihiin ee la xiriira doorashada, iyadoo aan dib u dhac kale la sameynin. Heshiis walba oo noocaas ah waa in uu salka ku hayaa mabaadii caddaalad ku dhisan ayna faa;iido ugu jirto dimuqraadiyadda xisbiyada badan ee Soomaaliya.”

Inta badan dalalka taageerada siiya Soomaaliya ayaa aad uga walaacsan xaaladaha cakiran ee siyaasadda Soomaaliya, waxaana laga dhur sugayaa shirka uu Farmaajo isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this