Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo taageertay mowqifka Puntland ee Shirka Arrimaha Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa soo dhowaysay baaqa la xiriira in 15-ka bishan February la isu’gu yimaado shir ku saabsan Arrimaha doorashada Soomaaliya.

“Dowlada Jubbaland waxay soo dhaweynaysaa kana qeybgaleysaa shirka watashiga arrimaha doorashooyinka ee 15 Febraayo.”

Jubaland waxay taageertay mowqifka Puntland oo ah in Shirka lagu qabto magaalada Muqdisho”Dowlada Jubbaland waxay ku talineysaa in Shirkaasi uu ka dhaco magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.”

Sidoo kale Jubaland waxay soo jeedisay in dhammaan Saamileyda Siyaasadeed ee dalka laga qayb-geliyo Shirka.

Jubaland.jpg?resize=603%2C960&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo taageertay mowqifka Puntland ee Shirka Arrimaha Doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this