Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Ganafka ku dhufatey shir Farmaajo ku dhawaaqay in lagu qabanayo Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   
Puntland oo Ganafka ku dhufatey shir Farmaajo ku dhawaaqay in lagu qabanayo Garowe
messenger sharing button
email sharing button
deni-300x166.jpg
Puntand ayaa sheegtay in aan lagala tashan shirka madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay inuu 15-bishan ka dhici doono magaalada Garowe-Puntland.

War kooban oo goor dhowayd kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayay Puntland ku sheegtay in ay shirkaas soo dhoweynayso, balse waxay ku talisay in lagu qabto magaalada Muqdisho ayna ka qeyb galaan saamileyda siyaasada iyo beesha caalamka

“Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.

Mowqifka Puntland ayaa waji gabax ku noqon kara madaxweyne Farmaajo oo wajahaya cadaadis kaga imaanaya beesha caalamka oo ku baaqday in si degdeg ah xal looga gaadho khilaaf ka taagan hirgalinta doorashooyinka qaran.

202129637484860757667600.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this