Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Rooble oo sheegtay in ay fududeynayso shirka Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16129010778150117.jpg?resize=720%

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in xukuumadiisu fududeynayso qabsoomidda shirka uu ku baaqay maraxweyne Farmaajo ee lagu wado in uu ka dhaco Garowe.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Rooble ayaa lagu soo dhaweeyey shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee shaaciyay madaxweyne Farmaajo, kaas oo lagu wado in uu ka qabsoomo 15-ka bishan magaalada Garoowe xarunta Puntland.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qoraalkiisa ku xusay in Xukuumaddu ay dadaal mug leh ku bixinayso fududeynta shirkan iyo sidii loo dardargelin lahaa fulinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay doorka wax-ku-oolka ah ee ay qaadaneyso Xukuumadda uu hoggaaminayo, kaas oo ku saleysan isu-soo dhaweynta aragtiyaha kala duwan ee fulinta heshiiska doorashooyinka ee horey loo ansixiyey iyo sidii loogu midoobi lahaa marxaladdan muhiimka u ah geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Rooble oo sheegtay in ay fududeynayso shirka Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this