Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ku talisay in shirka doorashada lagu qabto Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16129064677616894.jpg?resize=720%

Puntland ayaa soo dhaweysay shirka wadatashiga doorashada ee ku baaqay madaxweyne Farmaajo, inkastoo ay sheegtay in aan lagala tashan.

Bayaan kooban oo madaxtooyada Puntland ku dhaabacday barteeda Twitterka ayaa lagu sheegay in Puntland ku talinayso in shirka lagu qabto Muqdisho ayna kasoo qeybgalaan Saamileyda Siyasada iyo Beesha Caalamka.

“Pumtland waxay soo dhoweynaysaa Shirka lagu baaqay 15 Feb, inkasta oo aan lagala tashan in Garowe lagu qabto. Maadama uu dhamaaday muddo xileedkii Hay’adaha DFS waxay ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho ayna kasoo qeybgalaan Saamileyda Siyasada iyo Beesha Caalamka” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada Puntland.

Sida muuqata Puntland waxay ka cudurdaaratay martigelinta shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo ku talisay in shirka doorashada lagu qabto Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this