Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo iyo guddoonka Baarlamaanka oo kulan yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16128919625956598.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Soomaaliya ee xilku ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maxamed Mursal iyo labadiisa ku xigeen ayaa caawa kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada.

Bayaan kooban oo ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo guddoonka Golaha Shacabka ay ka wadahadleen sidii doorasho uga dhici lahayd dalka.

Berri waxaa Baarlamaanka hortegi doono Ra’iisul Wasaare Rooble oo jeedin doona khudbad uu uga hadlayo waxqabadkiisii 100ka maalmoood iyo arrimaha doorashada lagu muransan yahay.

Baarlamaanka 11-aad ee weli fadhiya waxaa xilhayntoodu ku ekeyd 25 bishii Disembar ee sanadkii hore, halka madaxweyne Farmaajo afartii sano ee dastuuriga ahayd ku ekeyd isniintii shalay 8 Febraayo 2020.

Iyadoo Baarlamaanka iyo Madaxweynaha wakhtigu ka dhammaaday ayaa hadana ilaa xiligan uusan jirin heshiis doorashooyin oo ogol lagu wada yahay.

PUNTLAAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo iyo guddoonka Baarlamaanka oo kulan yeeshay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this