Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo ku baaqay in shir la isugu yimaado Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16128949136861718.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Soomaaliya ee xilku ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

War-saxaafadeed caawa ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkaasi uu ka furmayo 15ka bishan Febraayo magaalada Garowe, waxaan la tilmaamay in uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in ay diyaar u tahay sidii looga wadahadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay, iyadoo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020.

PUNTLAND POST

The post Farmaajo oo ku baaqay in shir la isugu yimaado Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this