Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin:-Ciyaaryahan Kubbadda Cagta Ah Ahna Arday Jaamacadeed,Sidoo kalane Ah Bare Iskuul Oo Ku Yaala Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Inkastoo nolasha aadanahay ay tahay halgan iyo da’daal,hadana mudooyinkii danbe waxaa soo badanayay korarka ciyaartooyda kubbadda cagta Soomaaliya ee wax ka barata Jamaacadaha dalka iyo dibada,waxayna taas kor u qaaday horomarka isbortiga Soomaaliya,balse sheekadan waxa ay gaar u tahay goolhaye  Ilyaas Cabdi Nuur Ilayaas BK oo ah ciyaaryhanan,arday Jaamacadeed,sidoo kalane ah bare iskuul oo ku yaala Magaalada Muqdisho.

MVI_7983.MP4.00_00_06_00.Still001-1024x5

Gool Haye Ilyaas Cabdi Nuur waxa uu dhigitaa mid ka mid ah Jamaacadaha Ku yaala Magaalada Muqdisho,isagoo barta kulyada Culuumata bada,wuxuuna sheegay in kulyidaas ay tahay taqaqus u gaar ah,balse u rajaynayo in uu guul ka gaaro sanadaha soo socda.MVI_7943.MP4.00_00_08_07.Still001-1024x5

Maamulaha Iskuulka Al-Huda Liibaan Jeylaani Macallin ayaa ciyaaryahan Ilyaas BK ku tilmaamay shaqsi da’daal badan heerka uu maanta ka gaarayna ciyaararaha kubbadda cagta ay saldhig u tahay in uu yahay laacib aqlaaq wanaagsan.

MVI_7962.MP4.00_00_09_00.Still001-1024x5

Inkastoo Shaqada Goolhayaha ay tahay mid aad u adag oo u baahan tababar joogtaha,hadan Laacib Ilyaas Cabdi Nuur waxa uu sheegay in uu jecel yahay in uu guul ka gaaro xirfadan.

MVI_7983.MP4.00_00_18_21.Still002-1-1024

Goolhaye Ilyaas BK wuxuu sanadii lasoo dhaafay u soo ciyaaray kooxaha heerka kala duwan ee kubbadda cagta,isagoo la gaaray guulo waaweyn,wuxuuna laacibkan Goobjoog u sheegay in uu jecel in xirfadan ka gaaro ilaa Xulka Qaranka Soomaaliya.

Sequence-608.00_00_00_00.Still001-1024x7

Daawo Warbixinta Sheekada Ilyaas BK Oo Dhameystiran

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this