Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii degmada Beledweyne oo shaqo joojin lagu sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Wareegto ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa shaqada looga joojiyey guddoomiyihii degmada Beledweyne, Cismaan Dhicisow Dhuubow, kaas oo loo jeediyey eedeymo kala duwan.

Sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi waxaa guddoomiyaha shaqada laga eryey lagu eedeeyey inuu dhigtay jidgooyo sharci darro ah iyo xil gudasho la’aan, sidaas daraateedna shaqada looga joojiyey.

Muumin ayaa sidoo kale tilmaamay in howlaha shaqada ee degmada uu si KMG u sii wadi doono guddoomiye ku xigeenka maamulka magaalada Beledweyne.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah kasoo baxay guddoomiye , Cismaan Dhicisow Dhuubow oo ku aadan shaqo joojinta lagu sameeyey.

Beledweyne ayaa waxaa inta badan kusoo laa laabta khilaafaadyada dhinac maamulka ah ee u dhexeeya  mas’uuliyiinta ka howl-gala degmadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this