Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka Carabta Oo Lacagta Ka Jaray Falastiiniyiinta Kadib Heshiiskii Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dubai)-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa jartay lacagtii ay ku maal-gelin jirtay hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta 2020-kii, sannadkaas oo Imaaraadka ay heshiis taariikhi ah oo ay xidhiidh kula yeesheeen la galeen Israa’iil

Hay’addan oo loo yaqaan UNRWA ayaa waxbarasho, daryeel caafimaad iyo adeegyo kale oo muhiim ah siisa 5.7 milyan oo ah qaxooti Falastiiniyiin ah oo ku kala sugan dhowr dal oo bariga dhexe ah.

Imaaraadka ayaa 2018 iyo 2019 waxay hay’addan ku tabaruceen 51.8 milyan oo dollar sanadkiiba, hase yeeshee waxay 2020 bixiyeen kaliya 1 hal milyan, sida uu xaqiijiyey afhayeenka hay’adda Sami Mshasha, kadib markii arrintan ay shaaciyeen warbaahinta Israa’iil.

“Waxaan rajeyneynaa in 2021 ay lacagtaas dib ugu laaban heerka sannadihii hore,” ayuu yidhi.

Saraakiisha Imaaraadka Carabta, weli kama jawaabin shaac ka qaadistan.

Sannadkii tegay, Imaaraadka Carabta ayaa hagaajiyay xidhiidka Israa’iil, isaga oo jebiyey faham guud oo sannado badan ay Carabta qabeen oo ah in aqoonsiga Israa’iil uu ku xidhan yahay hanaanka nabadda Falastiin.

Maamulka Trump ayaa 2018-kii joojiyey lacagtii uu Mareykanka ku deeqi jiray hay’adda UNRWA oo sannadkii aheyd 360 milyan oo dollar. balse maamulka Biden ayaa sheegay inay dib u billaabi doonaan lacagtaas.
AP

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this