Deeq A. Posted February 9, 2021 Garoowe (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa faah faahiyey howl-gallo ballaaran oo laga sameeyey gobolka Bari. Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ka fuliyeen dhanka Buuraha Cal Madow ee gobolkaasi. Saraakiisha horkaceysay baaritaanadaasi ayaa warbaahinta u sheegay in howl-galladooda ay ku bartilmaameedsadeen goobo ay ku sugnaayen Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay nolosha ku qabteen, walow aysan shaacin tirada iyo waxa ay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen. Deegaanada howl-gallada laga sameeyey ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qaraxyo ah iyo kuwa toos ah oo Al-Shabaab iyo Daacish ay ka fuliyaan halkaasi. Si kastaba Puntland ayaa xoojisay maalmihii u dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo ciidan ee ay ka wado gobolka Bari ee maamulkaasi oo qeybo ka heystaan Al-Shabaab & Daacish. Share this post Link to post Share on other sites