Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Axmed oo shaaciyey inaanay xukumadiisu ka shaqeyn doonin kala qeybinta Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Abiy Axmed oo shaaciyey in xukumadiisu aanay ka shaqeyn doonin kala qeybinta Somalia

abiy-3-300x166.jpg
  Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in xukuumadiisa aysan ka shaqeyn doonin kala qeybinta Soomaaliya, isagoo xoogaggii TPLF ku eedeeyay kala qeybinta wadamada Geeska Afrika.

Xukuumadda uu taladeeda haayo Abiy Ahmed ayaa gobolka Waqooyiga Itoobiya ku yaalla ee Tigreega kula dagaallamay TPLF, wuxuuna guushaas ku tilmaamay mid dan u ah dhamaan wadamada Geeska Afrika.

Warbixin lagu daabacay Project Syndicate ayuu ku sheegay ra’iisul wasaare Abiy in TPLF ay qas ku wadeen dalalka Geeska Afrika, islamarkaana ay doonayeen iney kala qeybiyaan, balse ay soo afjareen.

“Siyaasadda TPLF waxa ay aheyd mid ceydhin ah oo uga fa’iideysanayeen inay ku kala qeybiyaan wadamada ay dhibaatada ka jirto, iyaga oo aan joogin, balse anaga dhankeena waxaan ka shaqeyneynaa xasiloonida siyaasadeed,” Ayuu yidhi Abiy Ahmed.

Abiy Ahmed oo saaxiib dhaw la ah madaxwenaha wakhtigiisa maanta ku eg yahay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuusan ka shaqeyn doonin xasiloonni darrada Soomaaliya oo muddo 30-sano ah dhibaatooyin dhexda uga jirta.

Sidoo kale Abiy Ahmed wuxuu sheegay in siyaasadda xukuumadiisa ay tahay in laga wada shaqeeyo xal u helidda duruufaha ku gadaaman dalalka Geeska Afrika.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this