Sign in to follow this  
Deeq A.

Cudur aan la garaneyn oo ka dilaacay dal aan ka fogeyn Somalia+Astaamo argagax leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Cudur aan la garaneyn oo ka dilaacay dal aan ka fogeyn Somalia+Astaamo argagax leh

 tanzania-1.jpg

Cudur aan wali la aqoonsanin ayaa laga soo tabiyay inuu ka dilaacay dhinaca kale Koonfur galbeed ee dalka Tanzania oo ka mid ah dalalka bariga Afrika

Warbaahinta maxalliga ah ayaa shaacisay in dadka uu xanuunkan ku dhacay ay leeyihiin astaamo argagax leh sida iney dhiig matagayaan.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee degmada Chunya ayaa laga soo xigtay in bukaannada qaarkood ay ku dhinteen saacado gudahood.

Wasaaradda Caafimaadka ee Tanzania ayaa sheegtay in ay koox khubaro ah u dirtay halkaas, si ay baaritaan uga soo sameeyaan waxa uu yahay cudurkan.

Dorothy Gwajika, oo ah Wasiirka Caafimaadka ee dalkaas ayaa shaqada ka joojiyay guddoomiyihii degmada ee dhinaca caafimaadka, kaasoo warbaahinta ay soo xigteen isagoo xaqiijinaya cudurka, sida uu qoray wargeyska Citizen.

Waxay dadweynaha ku boorrisay inay isdajiyaan, aysana jirin wax laga walwalo maadaama ay hadda baaritaan wadaan, waxayna ballan qaadday in ay xog dheeraad ah shacabka usoo gudbin doonto.

chunya.pngMedical-officer-is-suspended-after-reporthumbs_m_c_8307df65f5677d7044666df17ef71

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this