Sign in to follow this  
Deeq A.

ICJ Oo Hogaan Cusub Loo Doortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib doorasho ay galeen xubnaha musharixiinta Gudoomiyaha sare ee maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ ayaa Joan E. Donoghue oo ka soo jeeda dalka Mareykanka ayaa  loo doortay madaxweynaha cusub ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka (ICJ) .

Haweeneyday ayaa waxa ay badaleeysa Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo ah muwaadin Soomaaliyeed, muddana xilkaasi hayay .

Ku xigeenka madaxweeynaha Maxkamadda ICJ ayaa loo doortay isna Kirill Gevorgian oo ka soo jeeda waddanka Ruushka, waxa ayna labadaan mas’uul xilka haynayaan midkiiba Seddax sano.

Madaxweeynaha cusub ee ICJ Joan E. Donoghue iyo ku xigeenkeeda Kirill Gevorgian ayaa waxa ay tan iyo 9 September 2010 xubna ay ka ahaayeen maxkamadda .

Qaab dhismeedka Hogaanka sare ee Maxkamadda ayaana waxa uu noqonaya wixii maanta ka danbeeya Sidan:

President Joan E. Donoghue (United States of America)

Vice-President Kirill Gevorgian (Russian Federation)
Judges Peter Tomka (Slovakia)
Ronny Abraham (France)
Mohamed Bennouna (Morocco)
Antônio Augusto Cançado Trindade (Brazil)
Abdulqawi Ahmed Yusuf (Somalia)
Xue Hanqin (China)
Julia Sebutinde (Uganda)
Dalveer Bhandari (India)
Patrick Lipton Robinson (Jamaica)
James Richard Crawford (Australia)
Nawaf Salam (Lebanon)
Iwasawa Yuji (Japan)
Georg Nolte (Germany)
3-1.png 44.png

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this