Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo si kulul uga jawaabtay hadallada mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda fedaraalka ee Soomaaliya ayaa ka jawaabatay hadallo ka soo yeeray xubnaha mucaraadka oo sheegay in aysan madaxweyne u aqoonsaneyn, madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa ku tilmaamay mid sharci daro ah hadallada ka soo yeeray xubnaha mucaaradka.

Macalimu ayaa intaa ku daray in uu jiro qaraar iyo xeer ay horey u soo saareen golaha shacabka kaasi oo dhigaya in hay’adaha dastuuriga ay xilka sii haynayaan ilaa kuwa kale laga soo doorto.

“Marka hore soo jeedinta xubnaha mucaaradka ma aha mid sharci ku qotonta, sababtoo ah waxaa la ogyahay in qaraar baarlamaan uu jiro oo horey baarlamaanka hadda jooga ee 10aad ay u ansixiyeen labadiisa taasi oo ah in baarlamaanka hadda jooga waxa badalaya oo kali ah baarlamaan la soo doortay hay’adaha kale ee dastuuriga ee madaxda ay ka mid tahay waa la mid,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda.

Ugu dambeyn Macalimu ayaa ka digay in shacabka Soomaaliyeed qalqal iyo cabsi lagu abuuro, iyada oo laga faa’iideysanayo marxaladda kala guurka ah ee haatan lagu jiro.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this