Sign in to follow this  
Deeq A.

Jarmalka oo lacag badan ugu deeqay dalal ay ku jirto Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka cuntada iyo beeraha adduunka ee FAO ayaa soo dhoweeyay deeq lacageed oo gaareysa 40 milyan oo Euro oo dowladda Jarmalka ay ugu tala-gashay in lagu caawiyo beeraley iyo kalluumeysto dhaqaalahooda saameyn daran uu ku yeeshay Covid-19

Deeqdaasi oo ka timid bankiga horumarinta Jarmalka ayaa la soo marsiinayaa hay’adda Qaramada Midoobay ee FAO, iyadoo mashaariicdaasi loo qorsheeyay wadamada ay ka jirto cunta yarida ugu darana caalamka oo kala ah jamhuuriyada Dimoquraadiga ee Congo, Soomaaliya iyo Yemen.

Mashaariicdaasi ayaa waxaa ka faa’iideysan doonO beeraleyda, kaluumeysatada iyo xoolo dhaqatada ay saameeyeen musiibooyinka dabiiciga ah, si ay uga soo kabsadaan dhibaatooyinkii gaaray

Agaasimaha guud ee ururka cuntada iyo beeraha adduunka QUDongyu ayaa sheegay in deeqdaasi ka timid Jarmalka ay FAO u adeegsan doonto in ay kor u qaado bulshooyin kala duwan oo u badan beeraley wajahay dhibaatooyin ka dhashay is-badalka cimilooyinka iyo musiibooyinka kale, si mustaqbalka ay u helaan nolol wanaagsan iyaga iyo qoysaskooda

Qayb ka mid ah lacagtaasi ayaa waxaa FAO ay u weecin doontaa illaa iyo 150,000 oo ruux oo Soomaali ah oo ay ka taageeri doonto wax soo saarka dhinaca beeraha.

Qaramada Midoobay ayaa horey u sheegtay in dhibaatooyin badan oo ka dhacay Soomaaliya oo ay ka mid yihiin musiibooyin dabiici ah ay keentay in gudaha dalka ay ku barakacaan kumanaan ruux.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this