Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo war ka soo saaray Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Midowga Yurub, ayaa war kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo lagu heshiin waayay.

Qoraal uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Midowga Yurub Josep Borrell, ayaa lagu sheegay in heshiis la’aan lagu qabto doorashada dalka ka dhaceysa, ay tahay arrin culeys ah oo marnaba wax dan ah ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Josep Borrell, ayaa sheegay in muhiim ay tahay in xal laga gaaro khilaafka hareeyay qabsoomida doorashooyinka, ayna Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada yeeshaan wada-hadal, si xal looga gaaro hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka.

 “Heshiis la’aanta in la qabto doorasho ka dhacda Soomaaliya waa mid aad u culus oo aan dan ugu jirin muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waa muhiim in dhammaan kanqeybgalayaashu ay sii wadaan inay si wax ku ool ah ula shaqeeyaan si ay uga heshiiyaan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka qaran.”

Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa Madaxda dowladda uga digay inay sameeyaan muddo kororsi, sidoo kalena la joogiyo is barbar yaaca ka jira doorashada, isla markaana laga fogaado wax kasta oo dib u dhac keeni kara.

PUNTLAND POST

The post Midowga Yurub oo war ka soo saaray Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this