Deeq A. Posted February 9, 2021 Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in halkaasi qarax lagula beegsaday mas’uul ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland. Qaraxa waxa lala beegsaday Agaasimaha wasaaradda Kalluumeysiga Jubaland oo lagu magacaabo Maxamed Khaliif, waxaana ku dhaawacmay isaga iyo hal askari oo kamid ah Ilaaladiisa gaarka ah. Dhaawaca Agaasimaha iyo askariga kale ayaa markiiba loo qaaday isbitaalka magaalada Kismaayo, halkaas oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxaas lala beegsaday Agaasimaha wasaaradda Kalluumeysiga Jubaland. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay magaalada kismaayo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites