Sign in to follow this  
Deeq A.

Shakhsiyaad lala xiriirinayo Al-shabaab iyo Daacish oo lagu qabtay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Laamaha Amniga Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku qabtay shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo Daacish, kadib hawlgalo ciidamadu ka sameeyeen gudaha Boosaaso.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha Amniga, ayaa xaqiijiyay in baaritaan lagu hayo dadkaas la qabtay, inkastoo aysan tiradooda xusin.

Maalin ka hor, Laamaha Amniga Boosaaso ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan shakhsiyaad lala xiriirinayo kooxaha Argagixisada ah, kuwaas oo doonaya in ay weeraro ka fuliyaan Boosaaso.

Weli ma cadda in shakhsiyaadkii la raadinayay la qabtay iyo in kale, balse saraakiishu waxay sheegeen in baaritaan lagu hayo dadkaas.

PUNTLAND POST

The post Shakhsiyaad lala xiriirinayo Al-shabaab iyo Daacish oo lagu qabtay Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this