Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar arrimood oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato tallaalka Covid19 ee la keenayo Somalia Bishan

Recommended Posts

Deeq A.   

Afar arrimood oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato tallaalka Covid19 ee la keenayo Somalia Bishan

.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay qorsheyneyso inay bilowdo barnaamij tallaal lagu gaarsiinayo guud ahaan shacabka dalka si looga hortagga cudurka Koroona.

Waxay sidoo kale sheegtay in shixnaddii ugu horreysay ee tallaaka uu dalka soo gaari doono bishan, waxayna barnaamijkan kala kaashan doontaa Ha’yadda Caafimaadka Adduunka, UNICEF iyo ha’yadaha kale ee ka shaqeeya caafimaadka si loo guda galo wajigaa koowaad ee tallaalka ka hortagga cudurka Koroona gudaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya in 1,224,000 xabbo oo tallaalka shirkadda Oxford-AstraZeneca la keeni doono dalka si boqolkiiba 20 bulshada ay u helaan tallaalka.

“Guud ahaan tirade guud ee tallaalka la gaarsiin doono waa 3,000,000 (saddex milyan) oo qof, tiradaas oo si gaar ah looga tallaali doono xanuunka coronavirus” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.

Dadka la siin doono tallaalka

Warqad kasoo baxday wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wajiga koowaad ee tallaalka la siin doono.

  • Howlwadeenada caafimaadka iyo shaqaalaha muhiimka ah ee ka howlgala cisbitaallada dowladda ama kuwa gaarka loo leeyahay.
  • Booliska, macalimiinta iyo shaqaalaha dowladaha hoose.
  • Dadka da’doodu ka sarreyso 50 sano.
  • Dadka la daala dhacayo xanuunada kala duwan.

Qaabka uu ku gaarayo Soomaaliya

Tallaalkan waxaa lagu gaarsiinayaa Soomaaliya iyadoo loo marayo adeegga COVAX oo ah mid caalami ah oo lagu baahinayo tallaalka.

COVAX wuxuu ka shaqeynayaa sidii dalalka lagu gaarsiin lahaa tallaal laisku haleyn karo oo waxtar leh.

Soomaaliya inta badan dadka ma aysan xiraneyn afka iyo sanka iyadoo nolosha ay caadi iska aheyd
Soomaaliya inta badan dadka ma aysan xiraneyn afka iyo sanka iyadoo nolosha ay caadi iska tahay

Sida uu u shaqeeyo tallaalka ?

•Wuxuu ka caawiyaa inuu dhismo dhifaaca isagoo iska dhigaya caabuqa.

•Inuu ka caawiyo difaaca jirka iyo in uu aqoonsado caabuqa uuna barto lana dagaalamo

•Haddii ay noqoto in jirku uu soo galo mid rasmi ah, horey ayuu u ogsoonaa wuuna yaqaan waxa uu sameynayo.

Imisa xabbo ayaa la qaadanayaa?

Tusaale ahaan tallaalka shirkadaha Pfizer, iyo Moderna iyo AstraZeneca ayaa waxaa dadka la siyaa labo mar.

Waxaa irbadda labaad qofka la siinayaa marka saddex ilaa iyo 4 toddobaad laga joogoo middii kowaad.

Arrintan ku saabsan muddada labada tallaal u dhaxeynaysa waxaa ka dhashay muran, balse shirkadda Pfizer iyo inta badan seynisyahanada waxay door-bidayaan in lagu taagnaado tijaabadii hore oo muujinaysa in tallaalka labaad uu qofka qaato 21 maalin uun ka dib .

Hay’adda caafimaadka ayaa go’aamisay in labada tallaal ay u dhaxeyso 21 ilaa 28 maalmood, inkasta oo ay hay’adda sheegtay in mararka qaar ilaa 6 toddobaad la garasiin karo.

Tallaalka Covid-19 wuxuu ogolaanayaa in xayiraadaha la qaado si nabadgalyo ah isla markaana laga nasto nidaamka kala dheeraanshaha bulshada.

Dowladda Soomaaliya waxay diiwaan gelisay kiisas gaarayo 4,862 halka tirada dhimashada ay tahay 134.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this