Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Jubilee ee Dalka Kenya ayaa eryay lix Senator oo mid Soomaali tahay, Sababo la xiriira “ku xadgudub anshaxeed”.

Recommended Posts

Deeq A.   


Tallaabadan oo la qaaday Isniin oo maanta ahayd ayaa ka dambaysay ka wada-tashi ay guddiga maareynta qaran ee xisbiga (CMC) ka yeesheen warbixinnada ay soo gudbiyeen guddiga anshaxa.
Lixda qof ayaa kala ah Isaac Mwaura, Millicent Omanga, Mary Seneta, Falhada Dekow, Naomi Waqo iyo Victor Prengei.

Qoraal uu soo saaray xoghayaha guud ee Xisbiga jubilee Raphael Tuju ayuu ku sheegay in kooxdaan ay ku xadgudbeen , eryidoodana waxaa loo tiigsadey sida ku xusan qodobka 13aad ee dastuurka xisbiga”.

Senetaradaan la eryey lama shaacin Ansgar xumada ay sameeyeen.

Falhada Deeqow Imaan oo Soomaali Kenyan ah aayaa kamid Senetorada la eryey (Sawirka kore),

Puntlandi.com Nairobi

The post Xisbiga Jubilee ee Dalka Kenya ayaa eryay lix Senator oo mid Soomaali tahay, Sababo la xiriira “ku xadgudub anshaxeed”. appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this