Sign in to follow this  
Deeq A.

Kiiska Bada ee Soomaaliya iyo Kenya oo mar kale dib loo dhigayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay ka heleen dhinaca Kenya, Waxay Kenya dalbatay in laba bilood dib loo dhigo Dacwad Badeedka Soomaaliya iyo Kenya.

Bisha soo socota ee Maarso ayaa loo balan sanaa dhagaysiga Dacwada in la furo, laakiin Sida aan Xog ku hayno Kenya markii Sadexaad ayay codsatay in dib loogu dhigo.

Horay laba jeer ayaa dib loo dhigay dhagaysiga Dacwada, iyadoo Maxkamada Aduunka Haag ay xeerinaysay in Labada Dal la siiyo Wakhti ay iskusoo diyaariyaan ama ay iyagu dhamaystaan muranka.

Lama oga Qaabka ay Kenya uga dhaadhicin doonto Maxkamada Aduunka in Kiiska Dib loogu dhigo, Yaryaqaan Soomaaliyeed oo an la kaashanay su’aashaan wuxuu sheegay in laga yaabo in Kenya ay dib u dhiga Kiiska ay ku salayso Siyaasada Soomaaliya oo aan xiligaan fadhiyin iyo Xiliga kalaguurka ee Soomaaliya ay gashay 8 bishaan Feberaayo.

Puntlandi.com

The post Kiiska Bada ee Soomaaliya iyo Kenya oo mar kale dib loo dhigayo appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this