Deeq A. Posted February 8, 2021 Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaridka UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi, ayaa Cambaareeyey Xadhiga Labada Murashax ee Musharax Golaha Wakiilada JSL Md Raage Axmed Yusuf_Siciid iyo Musharaxa Golaha Deegaanka Caasimada Md Maxamuud Axmed Jaamac (Dhadoon) oo Xafladooda Shaacintu Dhacaysay Maalinta Khamiista. Qoraal kooban oo Xoghaye Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo Facebook giisa soo dhigay Ku Cambaareeyey Xadhiga labada murashax waxa uu qoraalkiisu u dhignaa sidan. “Waxaanu Cod dheer ku Canbaareynaynaa Xadhiga Sharci darada ah Ee Lagula Kacay Xoghayaha Maaliyada Xisbiga UCID, ahna Musharax Golaha Wakiilada JSL Md Raage Axmed Yusuf Siciid iyo Musharaxa Golaha Deegaanka Caasimada Md Maxamuud Axmed Jaamac (Dhadoon), oo Xafladooda Shaacintu Dhacaysay Maalinta Khamiista. Xadhigaa waxaanu u aragnaa Cabudhin, Awood Sheegasho iyo Ku Tumasho SharciSidaa daraadeed Waxaanu Leenahay si Deg Deg ah Xoriyadoodii ha loogu soo Celiyo labada Musharax..” Labadan Murrashax ayaa golaha wakiillada iyo deegaanka ku matalayay beesha Madaxweyne Muuse Biixi waxaanay beesha dhexdeeda kula tartamayeen laba murrashax oo kale oo uu madaxweynuhu taageersan yahay. Source Share this post Link to post Share on other sites