Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaare Rioble oo ka baaqdey lakulanka Xildhibaada, Maxay tahay sababtu

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta waxaa lagu Sadet in Raysal wasaare Maxamed Rioble uu ka hor khudbeeyi Golaha Shacabka Laakiin waa baaqdey.

Xogaha la helayo waxay sheegayaan In intabadan Xildhibaanadu ay Gudoomiyaha u sheegeen in uusan Raysal wasaaruhu imaan karin Baarlamaanka, Waxayna intaas raaciyeen in Xukuumadu ay dhacdey maadaama Madaxweynaha Xilkiisii dhamaadey.

Wararku waxay sheegayaan in Raysal wasaaraha loo sheegay inuusan imaan Baarlamaanka xili uu isu diyaarinayay inuu kasoo baxo Xafiiskiisa,

Arintaan waxay muujineysaa in Xukuumada looga awood batay Baarlamasnka hoose, Xukuumada intaan wakhtigu ka dhicin ayay lumisay kalsoonidii Aqalka Sare.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu Sabtidii balan sadey labada Aqal balse Aqalka Sare Way gooyeen Balantii Madaxweynaha, Waxaa soo xaadiray oo qura 11 Senetor kuwasoo markii dambe Banaanka looga saarey Baarlamaanka.

The post Raysal Wasaare Rioble oo ka baaqdey lakulanka Xildhibaada, Maxay tahay sababtu appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this