Deeq A. Posted February 8, 2021 Sida la wada ogyahay dalkeena Soomaaliya waxa uu soo maray marxalado aad u adag oo ay haboon tahay in qof weliba oo Soomaali ah uu dib u gocdo. Marka uu is-bedal yimaado waxaa soo baxa dul-duleelo fara badan, kuwaas oo loo baahan yahay in si deganaan ah, dadnimana ay ku jiro looga gudbo. Xilliyada kala guurka ah waxaa aad u haboon waxgaradka Soomaaliyeed in aanay fiirin, ama aanay gocon dhacdo laga soo tegay, ama taagan markaas. Adduun-weynuhu maanta waxa uu fiirinayaa marxaladda ay Soomaaliya maanta ku sugan tahay iyo waxa ka yimaada mucaarad iyo muxaafadba, sidaas daraateed waa inaan wax ka baranaa 30-kii sano ee lasoo maray iyo is-bedalladii dalka & dadkaba ku dhacay. Haddaba waxaa haboon siyaasiyiinta is-diidan, cuqaasha, waxgaradka iyo culuma u diinka Soomaaliyeed in loo wada istaago sidii dalka Soomaaliyeed looga samata bixin lahaa marxaladda adag ee haatan lagu jiro, si wadajir ahna gacmaha la’isku qabsado, si dalka loo horumariyo, siyaasadaha is-diidana loo mideeyo. Shacabka Soomaaliyeed waxa ay kor u wada eegayaan, dhegahana ay u taagayaan inay arkaan ama ay maqlaan war farxad leh oo ku saasban horumarka dalka, hamuuna uma qabaan isku dhac iyo is-diidan joogto ah, sidaas daraateed dalku bad-baado ayuu rabaa dadkuna daryeel-bey rabaan. Wixii intaa ka soo haray inta diidan ayaa la weydiin? View the full article Share this post Link to post Share on other sites