Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ka hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Mareykanku wuxuu ku boorrinayaa Madaxweyne Farmaajo iyo hoggaanka qaran ee Soomaaliya inay hadda wax ka qabtaan khilaafka si loo xalliyo jahwareerka siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka Soomaaliya iyo in heshiis lala galo hoggaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada, lana qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha si deg deg ah.

Dhibaatada siyaasadeed ee sanadkii la soo dhaafay waxay dhalisay natiijo la’aan niyad jab leh oo la xiriirta la-dagaallanka al-Shabaab iyo hagaajinta amniga, horumarinta horumarka dhaqaalaha ka dib markii la gaaray marxaladda koowaad ee deyn cafinta, iyadoo ay jiraan caqabado kale oo ay kamid yihiin cunno yarida iyo aafooyinka dabiiciga ah.

In Si deg deg ah loo xaliyo ismari waaga doorashada ayaa muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya, ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda.

Waa mas’uuliyada iyo waajibka saaran madaxda qaranka iyo kuwa maamul goboleedka inay meel iska dhigaan raadinta danaha siyaasadeed gaarka ah, taa badalkeedana ay ku shaqeeyaan danaha shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, waxay Safaaraddu sheegtay in hadda la joogo xilligii la xallin lahaa arrimaha taagan oo la dhammayn lahaa shaqada doorashooyinka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this