Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubnaha Golaha shacabka oo ansixiyey sharci muhiim ah + sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudaneyaaasha Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyay Wax ka bedelka Sharciga Waxbarashada Heerka 1-aad, 2-aad iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa soo xaadiray 170 Mudane iyaga oo dhammaantood “Haa” ugu codeeyay ansixinta Sharciga Waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Abuukar Xaaji oo ka hadlay Golaha ayaa u mahad celiyay Mudaneyaasha Golaha Shacabka ee ansixiyay Sharciga Waxbarashada isaga oo si gaar ah na ugu mahad celiyay Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Wasiirka waxbarashada Carab 147839500_1174901192926581_5314364174968538670_n 148126983_1174901246259909_8110843727881919758_n 148283452_1174901252926575_6519561420533752875_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this