Deeq A. Posted February 8, 2021 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Dhuusamareeb, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Garoowe. Madaxweyne Deni ayaa ka qeybgalay shirkii fashilmay ee madaxda Soomaaliya ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, kaas oo looga hadlayay khilaaf ka taagan doorashada Soomaaliya.Madaxweyne Deni ayaa la faliyaa in uu saacadaha soo socda ka warbixyo shirkii fashilmay ee Dhuusamareeb iyo shirar ka dambeeyay oo ay madaxda Dowlad Goboleedyada yeesheen.PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites