Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo hortegaya xildhibaanada BF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sida uu qorshuhu yahay maanta hortegaya xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya.

Rooble ayaa xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya warbixin ka siin doono xaaladda dalka, doorashada iyo wax-qabadka xukuumaddiisa oo 3 bil jirsatay.

Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay in maanta oo Isniin ah uu jiro Kulan weynihii golaha shacabka, iyadoo la faray in ay soo xaadiraan kulanka oo ah mid aad muhiim u ah.

Xukuumadda Rooble oo ku soo aaday xilli kala guur ah ayaa dadaal badan ku bixisay arrimaha doorashooyinka dalka iyo sidii looga gudbi lahaa xaaladda kala guurka ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this