Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wada-hadleen madax goboleedyada & beesha caalamka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan u dhexeeyey madaxda dowlad goboleedyada iyo wakiilada beesha caalamka, kaas oo looga hadlay xaaladda dalka.

Kulanka oo ahaa mid hab maqal iyo muuqaal ah ayaa waxa ka qeyb-galay madaxda maamullada Jubbaland, Puntland, Galmudug iyo HirShabelle, kuwaas oo haatan ku wada sugan gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxaa shirkan oo diirada lagu saaray marxaladda kala guurka ah ka maqnaa madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shalay dib ugu laabtay magaalada Baydhabo.

Sida ay wararku sheegayaan waxaa la filayaa in markale la qabto shirweyne ay garwadeen ka tahay beesha caalamka oo xal loogu raadinayo doorashooyinka 2021-ka.

Xaaladd dalka ayaa xilligan ah mid aad u cakiran, waxaana dhammaaday muddo xileedkii madaxweynaha, iyada oo sidoo kale lagu heshiin waayey doorashada dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this