Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Afrika Oo Hakisay Tallaalka Cudurka Covid 19

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Koonfur Afrika)-Xukuumadda KoonfurAfrika ayaa hakisay oo joojisay bilaaabidda tallaalka shirkadda Oxford-AstraZeneca ka dib markii daraasad la sameeyay ay muujisay natiijo”niyad jab keentay ” taasi oo ku aadan faraca cusub ee feyrsika Corona.

Seynisyahanada ayaa waxay sheegeen in nooca cusub ee feyriska Corona uu dalkaasi imika ka yahay 90% .

Daraasadan oo ay ka qeyb qaateen dad gaadhaya 2,000 oo qof ayaa lagu ogaaday in tallaalka uu yahay mid “difaaciisu aad u yar yahay marka loo eego faraca cusub ee feyrska Corona.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa la gaarsiiyay 1 milyan oo ah tallaalka shirkadda AstraZeneca islamarkana waxaa lagu waday in uu tallaalka bilaabmo toddobaadka soo socda.

ka caafimaadka ee dalkaa Koonfur Afrika Zweli Mkhize oo qaab maqal iyo muuqaal ah u qabatay shir jaraa’id ayaa sheegay in dowladda ay sugeyso talooyiin dheeraad ah oo ku aadan qaabka hore loogu sii wadayo tallaalka shirkadda Oxford-AstraZeneca iyada oo ay jrto waxyaabaha lagu ogaaday daraasadda.

Daraasadan ayaa waxaa sameysay jaamacadda Witwatersrand.

Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in dowladda ay si wadi doonto toddobaadyada soo socda tallaalka ay soo saareen shirkadaha Johnson & Johnson iyo Pfizer.

“Nasiib daro tallaalka shirkadda AstraZeneca ma shaqeynayo marka ay timaaddo nooca safmarka ee feyriska,” waxaa sidaasi yidhi Prof Shabir Madhi, oo isagu hoggaaminayay darasadan.

Khubarada ayaa ku baaqaysa in tallaalka dib loo farsameeyo si uu ula jaanqaado nooca cusub ee feyriska Corona ee ka soo ifbaxay dalal ay Koonfur Afrika ka mid tahay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this