Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheikh oo sheegay in Farmaajo dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi u horseedi karta Mustaqbalka waddanka.

Waa xaqiiqo aan la jecleyn in madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka”

Xasan Sheikh wuxu sheegay in Soomaaliya ay leedahay Shacab iyo Hal-door samata-bixin kara xaaladda adag ee dalku galay waxaana uu ku baaqay xasilooni iyo aragti-wadaag.

Soomaaliya waxay leedahay shacab & haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag. Waxaan ku baaqayaa xasillooni & aragtiwadaag” ayuu sii raaciyay.

Qoraalka Ex. Madaxweyne Xasan Sheikh wuxu ku soo beegay xilli Maanta ay ku egtahay  mudada xil-haynta Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

PUNTLAND POST

The post Xasan Sheikh oo sheegay in Farmaajo dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this