Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal oo kulan la yeeshay musharraxiinta mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xalay qaabilay xubno ka mid ah midowga musharraxiinta, iyaga oo ka wada-hadlay marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Mursal ka dagan yahay magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid uu albaabada u xiran yahay, islamarkaana kusoo aaday xilli xasaasi ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulankan intiisa badan diirada lagu saaray sida laga yeelayo xaaladda dalka & muranka ka taagan arrimaha doorashada.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana dhammaatay mudada xil-heynta madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this