Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News— Muda Xileedkii Madaxweyne Farmaajo oo dhamaadey, Dalkuna Madaxweyne ma leh

Recommended Posts

Deeq A.   

1991 ayay ahayd markii ugu horaysay oo Soomaaliya ay Madaxweyne la’aan ahaato in mudo ah kadib markii Jabhadihii hubaysnaa ay Caasimada kasaareen Alla ha u naxariistee Maxamed Siyaad Bare.

mudo hada laga joogo 6 daqiiqo saacada Soomaaliya waxaa dhamaadey Xilkii Sharciga ahaa ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoon Dalku lahayn Madaxweyne ama Heshiis hoosaad kale.

Dhuusamareeb waxaa goor dhow la filayaa amaba beri subixii in uu Warsaxaafadeed uu kasoo baxo kulankii ay lahaayeen Maamul Goboleedyadu.

Beesha Caalamka, Madasha Musharixiinta iyo Madaxda Maamul Goboleedyadu saacadihii lasoo dhaafay waxay ku mashquul sanaayeen in uusan Dalku galin Madaxweyne la’aan oo Xal uun la helo.

Madaxweynaha Xilkiisu Dhamaadey Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuu shalay hor tagay Baarlamaanka Laakiin ma uusan soo hadal qaadin Mudo Xileefkiisa, mana uusan soo bandhigin qaabka looga gudbiyo 8 Maarso oo ay Soomaaliya hada u tahay Isniin 8/2,2021.

Puntlandi.com Garowe

The post Breaking News— Muda Xileedkii Madaxweyne Farmaajo oo dhamaadey, Dalkuna Madaxweyne ma leh appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this