Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog— Madasha Musharixiinta oo Gudoomiye Mursal usoo jeediyey inuu Dalka hogaamiyo inta Doorashadu dhacayso

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar hoose oo Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi,m.com ay hayaan, Madasha Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u ololaynaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal uu noqdo Madaxweyne ku meelgaar ah oo Dalka gaasiiya Doorasho.

Caawa saqda Dhexe saacada Soomaaliya 23:59:58 ayuu ku egyahay mudo Xileedka Madaxweyne Farmaajo iyadoon aysan Dalka ka jirin olole Doorasho amaba wax xitaa u eg Doorasho, waana tan keentay in Musharixiintu ay soo jeediyaan in uu Dalka hogaansho Maxamed Mursal mudada yar ee Doorashada loo tabaabushashaysanayo oo la helayo Madaxweynaha Afarta sano ee soo socota. HAI

Siyaasiyiin uu ka mid yihiin Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo Senetor Cabdirsaaq Jurile yaa iyana fikirkaas soo jeediyey.

Madaxweyne Farmaajo mudoxileedkiisii saacado ayaa ka dhiman, kumana uu guulaysan inuu wadada u xaaro Doorasho .

Puntlandi.com Muqdisho

The post Xog— Madasha Musharixiinta oo Gudoomiye Mursal usoo jeediyey inuu Dalka hogaamiyo inta Doorashadu dhacayso appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this