Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Sudan oo digniin u dirtay Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Sudan ayaa sheegtay in go’aanka ay Itoobiya keligeed ku gaartay in ay buuxiso Biya-xireenka webiga Niil uu halis ku yahay Xaaladda Gobolka.

Wasiirka biyaha iyo waraabka, Yaasir Cabbaas, oo waraysi siiyey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ugu baaqay Maraykanka, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika in ay dhexdhexaadin ka galaan khilaafka u dhexeeya Itoobiya, Masar iyo Sudan ee ay isku hayaan arinta biyo-xireenka.

Itoobiya ayaa bilowday sannadkii hore buuxinta biyo-xireenka, inkasta oo ay Masar iyo Sudan ka dalbadeen in aanay arintaa ku dhaqaaqin ilaa inta saddexda dhinac ay marka hore heshiis ka gaarayaan.

Sudan iyo Masar ayaa wadahadallo aan miro dhalin oo socday toban sano la waday Itoobiya tan iyo markii ay bilowday dhismaha biyo-xireenka sannadkii 2011.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Sudan oo digniin u dirtay Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this