Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada AMISOM oo dad Rayidka ah ku laayay Gobolka Shabeellada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Madaafiic saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ku garaaceen degaano ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka AMSIOM ayaa tiro hoobiyeyaal ah ku garaacay Tuulada Mishaani oo hoostegta degaanka Janaalle ee Shabeellaha Hoose, waxaana la sheegay inuu khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay madaafiicda.

Inta la xaqiijiyay 2 Caruur ah ayaa ku geeriyootay 3 kalena oo Hooyadii qoyskan ay kamid aheyd waa ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ay ku dhaceen qaar kamid ah madaafiicda Ciidanka AMISOM tureen.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keenay Ciidanka AMISOM tuuraan madaafiicda, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada oo Saldhig ku leh meel ku dhow degaanka Mishaani ay madaafiicdaas rideen.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada AMISOM oo dad Rayidka ah ku laayay Gobolka Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this