Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye NISA ka tirsan oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16126960787986585.jpg?resize=720%

Taliyihii ciidanka NISA ee Dhuusamareeb Cabdirashiid Cabdi Nuur Shiikhdoon (Qooje) iyo askar ilaa u ahayd ayaa qarax ku geeriyooday.

Qaraxa ayaa lagu eegtay gaari ciidan oo ay leedahay hay’ada Nabadsugida Soomaaliya oo marayay inta u dhaxaysa Ceeldheere iyo caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

FB_IMG_16127157412400595.jpg?resize=720%

Qaraxa waxaa ku dhintay taliyaha iyo ku dhawaad toban askari oo ilaaladiisa u badnaa, halka ay ku dhaawacmeen labo askari oo dhaawacooda la geeyay Dhuusamareeb.

Al-shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay weeraro ka geysanasay magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanno u dhow.

PUNTLAND POST


The post Taliye NISA ka tirsan oo qarax lagu dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this