Deeq A. Posted February 7, 2021 Taliyihii ciidanka NISA ee Dhuusamareeb Cabdirashiid Cabdi Nuur Shiikhdoon (Qooje) iyo askar ilaa u ahayd ayaa qarax ku geeriyooday. Qaraxa ayaa lagu eegtay gaari ciidan oo ay leedahay hay’ada Nabadsugida Soomaaliya oo marayay inta u dhaxaysa Ceeldheere iyo caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. Qaraxa waxaa ku dhintay taliyaha iyo ku dhawaad toban askari oo ilaaladiisa u badnaa, halka ay ku dhaawacmeen labo askari oo dhaawacooda la geeyay Dhuusamareeb. Al-shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay weeraro ka geysanasay magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanno u dhow. PUNTLAND POST The post Taliye NISA ka tirsan oo qarax lagu dilay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites