Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in berri laga bilaabo aysan Farmaajo u aqoonsanayn madaxweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay, in laga bilaabo Isniinta berri ah aysan u aqoonsanayn madaxweyne Farmaajo, maadaama ay dhammaatay mudadii xil-hayntiisa ee sharciga ahayd.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde, ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumadda Puntland ay madaxweyne Farmaajo u aqoonsan doonto mas’uul hore, islamarkaana ugu yeeri doonto “madaxweynihii hore ee dalka“.

Wasiir Tima-cadde ayaa madaxweynaha dalka ku eedeeyay fashilka ku yimid Shirkii Dhuusamareeb, kaas oo natiijo la’aan ku dhammaaday, kadib markii dhinacyadu is-faham gaari waayeen.

Sidoo kale, wuxu madaxda dowlad goboleedyada dalka raalli-gelin ka siiyay hadalkii madaxweyne Farmaajo ku sheegay in Siciid Deni oo keliya uu qortay Heshiiskii Arrimaha doorashada ee 17-kii September.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo sheegtay in berri laga bilaabo aysan Farmaajo u aqoonsanayn madaxweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this