Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi oo Tacsi u diray Guddoomiyaha Baanka dhexe S/land Baqdaadi oo Hooyadii ku geeriyootay Oodweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Muuse Biixi oo Tacsi u diray Guddoomiyaha Baanka dhexe oo Hooyadii ku geeriyootay Oodweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Xaadsan Muxumed Axmed oo ku geeriyooday Shalay oo ay taariikhdu ahayd 05/02/2021 magaalo madaxda Gobolka Daad-madheedh ee Oodweyne.

Waxaanu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi gudoomiyaha baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo marxuumadu hooyadii ahayd.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumadda ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

tacsi-madaxweyne.jpg

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this