Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin Gaar Ah oo ku Saabsan Tartankii Maamul Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir 2020

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhacdooyin Cajiib ah oo aadan ogayn ayaa laga diiwaan galiyay tartankii kubbadda cagta Maamul Goboleedyaada iyo Gobolka Benaadir 2020 oo ay ku guulaystaan kooxda sanadkii sadexaad martigelisay ee Gobolka Banaadir.

Screenshot-2021-02-03-at-15.37.32-1024x7

Tartanka Maamul Goboeledyada iyo Gobolka Banaadir waxaa ka qeyb galay ilaa lix koox oo kala ahaa Jubaland,Puntland,Koonfur Galbeed,Hirshabeele,Galmudug iyo Gobolka Banaadir waxaana kooxaha loo kala qeybiyay labo Group oo kala ahaa A,B Group A-waxaa ku jiray Hirshabeele,Galmudug iyo Gobolka Banaadir,halka Group B ay ku jireen Jubaland,Puntland iyo Koonfur Galbeed

Sequence-546.00_03_48_19.Still004-1024x7

Tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa Muqdisho ka furmay 20-December 2020,waxaana kulankii furitaanka wada ciyaaray kooxaha Gobolka Banaadir iyo Galmudug,inkastoo ciyaarta furitaanka ay ku dhamaatay barbaro 2-2.

Screenshot-2021-02-03-at-15.27.34-1024x8

Heerka labaad tartanka ama Semi-finaalka waxaa u soo gudbay kooxaha Galmudug,Gobolka Banaadir,Koonfur Galbeed,Puntland,iyagoo ka soo kala baxat Group A iyo B,waxaana tartanka iskaga haray xidigaha Jubaland ee ahaa horyaalka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2017.

Sequence-525.00_06_30_13.Still003-1024x7

                                                  Semi Finalka

Galmudug iyo Puntland oo daris ah ayaa marki ugu horeesay isku arkay tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,waxaana ciyaartaas ka soo qeyb galay taageerayaal badan,inkastoo kulankaas ay guul gaareen fiinaalaha markii kowaad ay u gudbeen xidigaha Galmudug.

Screenshot-2021-02-03-at-15.23.25-1024x6

Kulankii labaad ee Semi Finalka waxaa wada dheelay kooxaha Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir,inkastoo oo aheyd ciyaar adag,waxaa natiijo 3-1 ku badiyay fiinaalkana u gudbay markii kowaad wiilasha macallin Daadir Amiin ee Gobolka Banaadir.

134198620_3491820327550264_3706650328400

31-December 2020 waxaa ciyaartii fiinaalka wada ciyaaray xidigaha Galmudug iyo Gobolka Banaadir oo tartanka wada furay,waxayna aheyd taariikh cajiib oo laga qoray tartanka Maamul Goboleedyada ido Gobolka Banaadir 2020,balse natiijada ka soo baxday kulanka waxa ay noqoto barbaro 2-2,balse rigooorayaal ama gool ku laad loo dhigay labada dhinac waxaa guusha iyo koobka ku qaatay xidigaha Gobolka Banaadir,iyagoo sidaas ku hantay koobka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

Screenshot-2021-02-03-at-15.24.41-1024x6

Guud ahaan tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020 waxaa la iska dhaliyay 22-gool oo ay labo ka mid ahaayeen Gool ku laad ama (Penalty Kick),sidoo kale tartanka waxaa laga bixiyay 35-kaar oo iskugu jiray caalamadaha jaalaha iyo kaduudka ee loo yaqaano Yellow Card iyo Red Card,waxaana 34 ka mid ah ay ahaayeen Yellow Card ama jaale,halka guud ahaan tartanka laga bixiyay hal kaar oo caalamada casaanka ee loo yaqaano (Red Card).

Screenshot-2021-02-03-at-15.26.06-1024x6

Inkastoo tartanka ahaa kii ugu xiisaha badanaa saddexdii jeer ee la qabtay,hadana kulankii ugu daawashada badnaa waxaa loo diiwaan geliyay ciyaartii fiinaalka ay wada ciyaareen xidigaha Galmudug iyo Gobolka Banaadir,waxaana sida lawada ogyahay inta ciyaarta ka daawatay gudaha garoonka Eng.Yariisow ay ka badnaayeen inta kala socotay banaanka garoonka iyo barbaraha bulshada Internetka.

Screenshot-2021-02-03-at-15.24.56-1024x6

Ciyaaryahankii ugu sameynta badnaa ee ka qeyb galay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020, si weyn looga hadlayay baraha bulshada internetka waxa uu ahaa ciyaaryahan Maxamed Maxamuud Sarqaawi oo ka tirsanaa kooxda kubbadda cagta Galmudug,isagoo xitaa loo balan qaaday in loo guurin doono gabar hadii uu iskaga diyaar u yahay.

Sequence-546.00_02_47_18.Still002-1024x7

Macallinkii ugu wanaagsanaa tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020 waxaa loo aqoonsaday tababarihii kooxda kubbadda cagta Galmudug Axmed Tahliil Cali Kadiye oo ahaa macallinkii Galmudug taariikhda markii ugu horeesay gaasriiyay heerka ugu danbeeya tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Screenshot-2021-02-03-at-15.40.13-1024x7

Gool dhalinta tartanka waxaa si wadajir ugu guulaystay xidigaha kala ahaa Nageeye oo ka tirsanaa Gobolka Banaadir iyo ciyaarryahan Sarqaawi oo isna ka mid ahaa kooxda Galmudug,iyagoo si wadajir tartanka kubbadda cagta Maamul Goboeledyada iyo Gobolka Banaadir 2020 ugu dhaliyay min 3-gool.

Sequence-546.00_03_03_11.Still001-1024x7

Daawo Warbixinta Tartanka Maamul Goboleedyada 2020

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this