Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxamed Cabdiqaadir Sheekhdoon “Som United Waxaa Ka Go’an Garab Istaagida Akadeemiyada ITAAL Football”

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Kooxda kubbadda cagta Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin garab istaada iyo horomarinta Akadeemiyada ITAAL Football Academy ee ka dhisan Magaalada Muqdisho uuna aas aasay Agaasimaha Goobjoog TV mudane Aweys Xaaji Nuur.

133761887_100909428612997_77694592260474

Itaal FC shaqo wanaagsan ayay haysaa,horay qalab waan u siinay,balse Som United waxaa ka go’an horomarinta iyo kor u qaadida Akadeemiyda Itaal” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha kooxda Som United mudane Maxamed Cabdiqaadir Sheekhdoon.

“Macallin qiimo badan ayaa hogaamiya,Akadeemiyada Itaal FC,waxaan u rajaynayaa guul iyo horomar,balse hadii aanu nahay Maamulka Som United way naga go’antahay garab istaaga iyo dhiirigelinta Maamulka iyo ciyaartooyda Akadeemiyada ITAAL Football Academy” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Maxamed Cusmaan Tolmaan oo ka mid ah Agaasimiyaasha kooxda Som United.

Som United Oo Qalab Ku Wareejisay Itaal FC

Macallin Aweys Aar “Som United Waxaan Ugu Mahadcelinaynaa Garab Istaagooda Wanaagsan ”

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Som United

Maxamed Cabdiqaadir Sheekhdoon “2020 Waxaan Gaarnay Guulo Waaweyn”

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this