Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha JF oo kulan la leh wafdi ka socda Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda qaabilo diblomaasiyiin ka socda dalka Mareykanka oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacaya garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galaya safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Donald Yamomoto.

Wararka ayaa sheegaya in diblomaasiyiinta ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka iyo madaxweyne Farmaajo ay ka wada-hadli doonaan khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka & si mari-waaga xoogan ee weli ka taagan.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland lagu cadaadinayo inay yimaadaan Muqdisho, si xal kama dambeys ah loo gaaro, maadaama uu sii dhamaanayo mudo xileedka madaxweynaha.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida dhow ula socdo xiisadda siyaasadeed ee dalka iyo doorashada oo ay isku hayaan dowladda dhexe, dowad goboleedyada & mucaaradka.

Xaaladda dalka ayaa cakiran, waxaana arrimahan ay kusoo aadayaan, iyadoo natiijo la’aan uu kusoo dhamaaday shirkii ka socday Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this