Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacab hubkooda lasoo baxay oo farriin u diray Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Garbahaarey oo hubkooda lasoo baxay ayaa maanta farriin culus u diray dowladda federaalka, beesha caalamka iyo Jubbaland.

Dadweynahan oo la hadlay Shabelle ayaa ku goodiyey inay iska dhicin doonaan, kana soo horjeesan daan maamulka Axmed Madoobe, haddii markale la hoos-geeyo Garbahaarey.

Xubnaha horkacaya maleeshiyaadkan oo isugu jiro rag iyo dumar ayaa shaaciyey in ay dhibanayaal u yihiin Jubbaland, islamarkaana ay horey u beegsatay ehelladooda.

Qeylo-dhaantan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo ay cirka isku sii shareereyso xiisada ka taagan gobolka Gedo oo sidoo kale xudun u noqotay doorashada dalka ee 2021-ka.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this