Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii NISA ee Dhuusamareeb & ilaaladiisa oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud, kaas oo lala egtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee dowlad goboleedka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas lagu dilay illaa 14 qof oo uu ku jiro taliyihii NISA ee Dhuusamareeb Cabdirashiid Cabdi Nuur Sheekh Doon (Qooje Yare) & ilaaladiisa.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo dhaq-dhaqaaqyo iyo howl-gallo ka bilaabay halkaasi.

Muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso magaalada Dhuusamareeb iyo duleedkeeda, halkaas oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaq xoogan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this