Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga lagu muransanyahay ee Doorashooyinka oo ka hadlay Shirkii Fashilmay ee Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga lagu muransanyahay ee Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF), ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay is afgaran waagii uu ku soo dhamaaday shirkii Samareeb, wuxuuse muujiyay in ay jirto rejo wanaagsan oo weli lagu xallin karo is mariwaaga taagan.

Guddiga ayaa dhinacyada ugu baaqayaa in aysan quusan, una istaagaan masuuliyadda ka saaran dalka, ayna hirgeliyaan heshiiskii doorasho ee 17 Sebteembar 2020, heshiiskaas oo baarlamaankuna ku meel mariyey hindise sharciyeed qeexaya sida lagu soo dooranayo xubnaha Barlamaanka 11-aad ee dowladda  Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu xasuusinayaa hogaamiyayaasha in mas’uuliyadda qabsoomidda doorashooyinku ay si wadajir ah u saaran tahay hoggaanka Golaha Wadatashiga Qaran iyo si ay u gaaraan xal degdeg ah, lagama maarmaanna ay tahay in ay ka shaqeeyaan isu keenidda iyo maslaxada guud ee wadanka.

1-3.jpg?resize=720%2C919&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddiga lagu muransanyahay ee Doorashooyinka oo ka hadlay Shirkii Fashilmay ee Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this